HomeWararXiisad dagaal oo laga dareemayo duleedka degmada Balcad

Xiisad dagaal oo laga dareemayo duleedka degmada Balcad

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Shalay waxaa duleedka degmada Balcad gaar ahaan tuulooyinka Daniga Baaloow iyo kala wareega waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab dagaalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. In kastoo Maanta ay xaalada degan tahay hadana waxaa Balcad iyo tuulooyinka hoostaga waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidanka dowladda. […]

- Advertisement -

Shalay waxaa duleedka degmada Balcad gaar ahaan tuulooyinka Daniga Baaloow iyo kala wareega waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab dagaalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

In kastoo Maanta ay xaalada degan tahay hadana waxaa Balcad iyo tuulooyinka hoostaga waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

- Advertisement -

Dadka ku nool Balcad ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay cabsi dareemayaan kadib markii Balcad ay soo gaareen Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda kuwaas oo wata Gaadiidka dagaalka.

Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana Go’day Wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Goose.

Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada ayaaba weli ka hadlin dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay walow Al-Shabaab dhankooda ay ka hadleen.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories