HomeWararDhageyso:-Muqtaar Rooboow”Xasuuqii ka dhacay Soobe waa wixii aan Al-Shabaab isku khilaafnay oo...

Dhageyso:-Muqtaar Rooboow”Xasuuqii ka dhacay Soobe waa wixii aan Al-Shabaab isku khilaafnay oo kale”

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur” oo horey uga soo goostay Alshabaab waxa uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdsiho, oo uu kaga hadlay Aragtida uu ka qabo Qaraxyadda noocaasi iyo Baaq uu u jeediyey dadka ka dambeeyo falalka qaraxyadda. Abu Mansuur waxa uu Suxufiyiinta la hadlay, kadib, markii uu dhiig ugu deeqay dadkii […]

- Advertisement -

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur” oo horey uga soo goostay Alshabaab waxa uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdsiho, oo uu kaga hadlay Aragtida uu ka qabo Qaraxyadda noocaasi iyo Baaq uu u jeediyey dadka ka dambeeyo falalka qaraxyadda.

Abu Mansuur waxa uu Suxufiyiinta la hadlay, kadib, markii uu dhiig ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii bishan 14-dii ka dhacay Is-goyska Zoope.

- Advertisement -

Sheekh Mukhtaar Rioobow Cali “Abu Mansuur” waxa uu Tacsi u diray qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi iyo kuwii ku hanta-beelay, isla markaana u duceeyey Marxuumintii ku geeriyootay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwa ku hanta-beelay.

Abu Mansuur waxa kale oo uu u mahad celiyey dadka Soomaalida iyo kuwa Muslimiinta ee u soo gurmaday dadkii ay waxyeelladu soo gaartay, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyey Dowladda Turkiga oo uu xusay inay soo direen Diyaarado iyo Adeeg Caafimaad.

Abu Mansuur waxa uu tilmaamay inuu Tobaneeyo sanno ka hor ku taliyey in laga waantoobo falka noocaasi oo kale, balse ay  isaga iyo Saraakiisha Al-shabaab isku khilaafeen arrintaasi,  waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Abu Mansuur waxa uu ugu baaqay dadka ka dambeeya qaraxyadaasi inay Rabbi weydiistaan Dembi-dhaaf, kana Towbad keenaan falalka noocaas oo kale, waa sida uu hadalka u yiri.

Mar uu ka hadlay qaraxyadii horey uga dhacay Muqdisho, waxa uu tusaale u soo qaatay Is-qarxintii lala beegsaday Hotel Shaamo,Hargaha iyo Saamaha iyo Masjid ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kale, Abu Mansuur wax uu soo hadal qaaday warar la isla dhex marayey oo  lagu sheegay inay Shirkadda Blackwater ka dambeeysay Qaraxaasi, wuxuuna xusay inuusan u malaynin inuu jiro warkaasi.

“Meelaha waxaa ka maqlayey in la leeyahay Blackwater ka dambeysay. Taasi Aniga shaqsiyan uma malaynayn maayo, maxaa yeelay kuwaasi , Wey keeni karaan maadada qaraxda, Lacag iyo baabuur, balse, ma keeni karaan qofka is-qarxinayo” ayuu yiri Abu Mansuur.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Muqtaar Rooboow

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories