HomeWararDiplomaasi ka tirsan Safaaradda Dowladda Qatar oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka...

Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Dowladda Qatar oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Axmed Bin Saciid Al-rumeyhi ayaa sheegay in Dhismaha Safaaradooda ku taalla KM 5 ee Muqdisho uu burbur xooggan ka soo gaaray qarixii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoope. Mas’uulkaasi waxa uu Warbaahinta dalkaasi u sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar la soo xiriireen Diplomaasiyiinta iyo […]

- Advertisement -

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Axmed Bin Saciid Al-rumeyhi ayaa sheegay in Dhismaha Safaaradooda ku taalla KM 5 ee Muqdisho uu burbur xooggan ka soo gaaray qarixii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoope.

Mas’uulkaasi waxa uu Warbaahinta dalkaasi u sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar la soo xiriireen Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ka hawl-gala Safaaradooda ku taalla Muqdisho, si ay uga xog wareystaan xaalladooda.

- Advertisement -

Agaasimaha Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Axmed Bin Saciid Al-rumeyhi waxa uu xaqiijiyey inuu Hawl-fuliyihii Safaaradda (The Charge d’affaires) uu dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxii shalay, balse uu haatan caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Waxa kale oo uu sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar la soo xiriireen DFS, kana codsadeen in la adkeeyo Ammaanka Diplomaasiyiinta iyo Qoysaskooda ku sugan Safaaradda Qatar ku leedahay magaalladda Muqdisho.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories