HomeWararXiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga oo cirka isku shareertay

Xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga oo cirka isku shareertay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga. Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson. Afhayeen […]

- Advertisement -

Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

- Advertisement -

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories