HomeWararDhageyso:-Wadahadalo u bilaawday Madaxda iskhilaafsan ee Maamulka Galmudug

Dhageyso:-Wadahadalo u bilaawday Madaxda iskhilaafsan ee Maamulka Galmudug

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shalay geleinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo oo lagu warestay Barnaamijka Wareega Wararka ee ka baxa Radio Dalsan ayaa […]

- Advertisement -

Shalay geleinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo oo lagu warestay Barnaamijka Wareega Wararka ee ka baxa Radio Dalsan ayaa sheegtay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo Gooni Gooni ah kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado.

- Advertisement -

Waxa ay sheegtay in ay rajo wnaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.

Waxa ay hadalkeeda ay intaas ku dartay in mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ay labada dhinac u kala safteen taas oo ah mid aan wanaagsaneyn isla markaana isla xisaabtan uu jiri doono.

Xaaf ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya balse ay xildhibaanada qarkood sheegeen in ay xilkii ka qaadeen walow uu weli sheegayo in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanad Caasho Beyraq

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories