HomeCaalamkaKoofi Anan oo Golaha Ammaanka ee QM uga warbixin doona Xaalladda Muslimiinta...

Koofi Anan oo Golaha Ammaanka ee QM uga warbixin doona Xaalladda Muslimiinta ROHINGYA

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay berrito Kulan caadi ah ka yeeshaan Arrimaha Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee laga barakiciyey dalka Myanmar.

Xoghayihii Guud ee hore ee QM, Koofi Anan ayaa la filayaa inuu Golaha u gudbiyo Warbixin ku aadan Xaalladda Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA, iyadoo in ka badan 500,000 oo Qaxootigaasi ka barakaceen Gobalka Rakhine ee dalka Myanmar.

- Advertisement -

Ergadda Dowladaha Faransiiska iyo Britain u jooga QM ayaa codsaday inay la kulmaan Koofi Anan, si ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM u miisaamaan Tallaabada xigta ee laga qaadayo Xalladda Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee u qaxay dalka Bangaladesh.

QM waxay Hawlgalka Milliteri ee ay Ciiddanka Dowladda Myanmar ku barakiciyeen Qaxootiga ROHINGYA ku tilmaamay Fal Isir-sifeyn ah.

Dhinaca kale, Sarkaalka sare ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Jefri Feltman ayaa la filayaa inuu berrito booqasho 4 maalmood ah ku tego dalka Myanmar, si uu Madaxda dalkaasi kala soo hadlo Xiisaddaas.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories