HomeCaalamkaKhilaafka Dowladaha Khaliijka oo la sheegay inuu horseeday Deganaansho la’aanta ka jirta...

Khilaafka Dowladaha Khaliijka oo la sheegay inuu horseeday Deganaansho la’aanta ka jirta Somalia

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaaradda Afrika ee The Institute of African Security Studies (ISS) ayaa soo saaray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Saamaynta Khilaafka Khaliijka ee Deganaanshihii Somalia iyo sida ay Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Craabta uga caroodeen Go’aankii Dhexdhexaadka ee DFS ka qaadatay Khilaafkaasi. Machadka ISS oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Koonfur […]

- Advertisement -

Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaaradda Afrika ee The Institute of African Security Studies (ISS) ayaa soo saaray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Saamaynta Khilaafka Khaliijka ee Deganaanshihii Somalia iyo sida ay Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Craabta uga caroodeen Go’aankii Dhexdhexaadka ee DFS ka qaadatay Khilaafkaasi.

Machadka ISS oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Koonfur Afrika ee PRITORIA waxa uu qoray in Go’aankii ay Sacuudiga iyo Imaaraadka xiriirka ugu jareen Qatar horseeday inay kuwo kale kala raacaan, taasi oo horseeday inay DFS ka soo horjeestaan inta badan Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka Somalia.

- Advertisement -

Wuxuuna khilaafkaasi sababay inay caqabado badan ka hor yimaadaan Dadaalkii Dowladda.

Warbixinta Machadka ISS waxa uu tilmaamay markii ay Dowladda Sacuudiga bishii June ee sannadkan xiriirka u jartay Qatar tahay waqtigii 3-aad muddo 3 sanno in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu baaqaan Dowladaha Geeska Afrika  inay saf u soo galaan Siyaasadda Sacuudiga.

Sannadkii 2015-kii, Sacuudiga waxay Heshiis la saxiixdeen dalalka Geeska, marka laga reebo Ethiopia, si loo dhiso Isbahaysiga La-dagaalanka Maleeshiyadad Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

- Advertisement -

Bilowgii sannadkii 2016-kii, Sacuudiga waxay Xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen Iiraan, waxaana Tallaabadaasi oo kale qaaday dalalka Somalia, Sudan iyo Jabuuti, kuwaasi oo Iiraan u jaray Xiriirkii Diplomaasiyadeed.

Warbixinta Machadka ISS waxaa lagu xusay markii ay Isbahaysiga Sacuudiga xiriirka u jareen Qadar, waxa uu Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo go’aansaday inuu Dhexdhexaad ka noqdo Khilaafka Khaliijka.

Balse waxa uu go’aankaasi ku tuuray Somali Jahwareer Siyaasadeed, iyadoo DFS mucaarado kala kulmayso Gudaha iyo Dibedda Somalia.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay inaysan kala caddayn Doorka iyo Mas’uuliyadda u dhexeysa DFS iyo 5-ta Maamul-gobaleedyada ka tirsan DFS

iyo Maamulka Somaliland iyo inay Jilayaasha gudaha tabar dareeyaan Mashruuca Dowlad-dhiska Somalia.

Dhinaca kale, Warbixinta Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaaradda Afrika (ISS) ee dalka Koonfur Afrika waxa uu tilmaamay inuusan Madaxweyne Farmaajo wax taageero Dadweyne kuma helin halka uu iska taagay Khilaafka Khaliijka, iyadoo ay inta badan dadka Soomaalida rumeysan yihiin inay miisaan leedahay in lala safto Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay Maamul-gobaleedyada ka soo horjeedaan Go’aanka DFS ee Khilaafkaasi, waxayna rumeysan yihiin inay DFS la safatay dalka Qatar.

Warbixinta waxaa lagu soo qaaday Xiriirka Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga la leeyihiin DFS iyo Maamul-gobaleedyada iyo Jilayaasha kale ee saamaynta ku leh Arrimaha Gudaha ee Somalia, oo ay Turkiga ka mid tahay

Warbixinta waxaa lagu xusay inay Imaaaraadka bixiyaan Kharaj ka badan midka ay Beesha Caalamka ku taageeraan DFS, halka Sacuudigana ay dhawaan Madaxweyne Farmaajo faraha u saartay Kharaj dhan 50-million oo Dollar.,

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories