HomeWararCiidamada xasilinta oo markii ugu horeysay howlgal ka sameeyay duleedka Muqdisho

Ciidamada xasilinta oo markii ugu horeysay howlgal ka sameeyay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Markii ugu horeysay Ciidamada xasilinta ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan halka loo yaqaano tabeelaha Sheekh Ibraahim,kadib markii habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunoow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Baydhabo […]

- Advertisement -

Markii ugu horeysay Ciidamada xasilinta ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan halka loo yaqaano tabeelaha Sheekh Ibraahim,kadib markii habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunoow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Baydhabo isla markaana Gaari uu watay laga qaatay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo baraarugeen xalay Ciidamo kor taagan kuwaas Guri Guri u baarayay Xaafadaha Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo Xaafadaha ku teedsan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgalkaas dad dhalinyaro u badan lagu qabqabtay walow markii dambe qaarkood la siidaayay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amnigane waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay isla markaana ujeedkii laga lahaa laga gaaray.

- Advertisement -

Ugu dambeyn xaalada saakay deegaanadii howlgalka laga sameeyay ee duleedka Muqdisho ayaa ah mid caadi ah iyada oo isu socodka dadka iyo waliba Goobaha Ganacsiga ay Shaqeynayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories