HomeCaalamkaIiraan oo sharci-darro ku tilmaamtay xariga Kalluumeysato u dhashay dalkooda ee ku...

Iiraan oo sharci-darro ku tilmaamtay xariga Kalluumeysato u dhashay dalkooda ee ku xiran Puntland

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Goballadda Sistaan iyo Bulujistaan ee dalkaasi ayaa sheegay in Badmaaxiinta Dekedda Konarak ee lagu xiray Somalia  si sharci-darro ah lagu xiray, isla markaana ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda indhaha ku hayso arrintaasi.

Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Cali Ashqar Mir-Shekari ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka u faafisa Iiraan ee IRNA, wuxuuna sheegay in Kalluumeysatadaasi la qabtay bishii September 27-dii, wuxuuna ku dooday in 18-ka Badmaax ee la xiray Fasax ka haysteen Waaxda Kalluumeysiga ee Dekedda KONARAK ee dalka Iiraan, si ay uga kalluumeystaan waxa uu ugu yeeray Badda Furan.

- Advertisement -

Cali Ashqar Mir-Shekari waxa kale oo uu sheegay inay Ilaaladda Xeebaha Somalia ku dileen Kabtanka Doonida Kalluumeysi meel 1,200 KM ka baxsan Xeebaha dalka Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalki waxa kale oo uu tilmaamay in Talalabada ay ku dhaqaaqday Dowladda Somalia tahay mid sharci-darro ah, oo aan ku jirin Xaynaabka Jadwalka shaqo ee Caalamiga.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories