HomeWarar(FAALLO): Golaha iskaashiga Dowlad-gobaleedyadda Awood ma u leeyihiin Hawlaha AMISOM

(FAALLO): Golaha iskaashiga Dowlad-gobaleedyadda Awood ma u leeyihiin Hawlaha AMISOM

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland, Puntland, Hirshabelle iyo K/Galbeed waxay bishan October 8-dii ilaa 10-dii Shir ku yeesheen magaalladda Kismaayo oo Caasmad KMG u ah Maamulka Jubbaland, kaasi oo u muuqda mid ay kaga soo horjeedaan DFS ee ay Dowladaha Caalamka aqoonsan yihiin. Shirkaasi waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16-qoddob, kuwaasi oo badankooda laga dhadhansanayo […]

- Advertisement -

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland, Puntland, Hirshabelle iyo K/Galbeed waxay bishan October 8-dii ilaa 10-dii Shir ku yeesheen magaalladda Kismaayo oo Caasmad KMG u ah Maamulka Jubbaland, kaasi oo u muuqda mid ay kaga soo horjeedaan DFS ee ay Dowladaha Caalamka aqoonsan yihiin.

Shirkaasi waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16-qoddob, kuwaasi oo badankooda laga dhadhansanayo Go’aamo aan Qiil Lahayn.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulankaasi iska ahaa mid Laab-la-kac ah iyo Danno Siyaasadeed lahaa, waxayna Madaxda Maamul-gobaleedyadda isku muujiyeen Hoggaamiye-kooxeedyadda cusub ee Somalia.

Waxay si il-duufsi leh ugu tunteen Qaddiyadda Ummadda Soomaaliyeed, waxayna si cad u xaqireen Kaalinta DFS ee Talada Qaranka.

Kulanka Kismaayo ayaa u muuqda mid ay muhiimadiisu ahayd in Indhaha Bulshadda laga weeciyo Hadal-haynta Siyaasadda Hoggaamiyayaasha Goballadda  ee sheegtay inay taageersan yihiin Isbahaysiga  Imaaraadka iyo Sacuudiga.

- Advertisement -

Sama-jeclayaasha Bulshadda ayaa rumeysan inay Madaxda Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo K/galbeed ku turunturoodeen Masraxa Siyaasadda iyo inay iska lumiyeen Fursad ay DFS ugala doodi kari lahaayeen Mowqifka ay labada dhinac iska taageen Khilaafka Khaliijka.

War-murtiyeedka Madaxdaasi waxaa laga dareemi karaa inay socod-barad ku yihiin Qeexitaanka Axdi-qarameedka ee Awoodaha Hay’addaha Qaranka iyo kuwa Goballadda, waana ayaan-xumo inay Madaxdaasi s qaldan ku fasirteen Qoddobadda ay u cuskadeen War-murtiyeedka ay ka soo saareen Kismaayo.

Markaynu milicsano Qoddobka 16-aad ee War-murtiyeedkaasi waxay ku sheegeen inuu Goluhu dareen adag ka muujinayo qorshaha lagu yareynayo Tirada Ciiddanka AMISOM, waxayna ku baaqeen  in la kordhiyo Tiradooda.

Khubarada Sharciga iyo Milliteriga waxay amakaag ka muujiyeen Awoodaha Golaha Iskaashiga Maamul-gobaleedyadda ee ay ku gaari karaan Go’aano DFS oo keliya loo idmaday.

Sharci Caalami ahaan, DFS ayaa iska leh Awoodaha ay kaga hadli karto Hawlgalka AMISOM, balse aysan Madaxweyne- Gobaleedyadda lahayn awood ay ku laaci Karaan Figta Sare ee Awoodaha DFS loo idmaday.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories