HomeCaalamkaDowladda Ethiopia oo u digtay Maamul-gobaleedka Soomaalida ku nool dalkaasi

Dowladda Ethiopia oo u digtay Maamul-gobaleedka Soomaalida ku nool dalkaasi

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hadal ka soo baxay  Dowladda Federalka Ethiopia ayaa waxa looga digay Maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia inuu joojiyaan Farriimaha xiisadda dhalin kara ee ka dhanka ah Qowmiyadda Oromada. Sida aynu ka soo xiganay Wargeyska Addis Abeba waxay Dowladda Ethiopia si gaar ah ugu digeen Madaxa Isgaarsiinta ee Maamulkaasi, Idris Ismaaciil Cali, kaasi oo la sheegay inuu Bartiisa […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay  Dowladda Federalka Ethiopia ayaa waxa looga digay Maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia inuu joojiyaan Farriimaha xiisadda dhalin kara ee ka dhanka ah Qowmiyadda Oromada.

Sida aynu ka soo xiganay Wargeyska Addis Abeba waxay Dowladda Ethiopia si gaar ah ugu digeen Madaxa Isgaarsiinta ee Maamulkaasi, Idris Ismaaciil Cali, kaasi oo la sheegay inuu Bartiisa Facebook-ga ku qoro Farriimo la xiriira Colaadda ka dhexeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada wada deggan Bariga dalkaasi.

- Advertisement -

Qoraalka ka soo baxay Dowladda Ethiopia ayaa lagu xusay in Farriimaha lagu qoro Baraha Bulshadda ay yihiin kuwo ka hor imaanayo Digniintii ay Dowladda Ethiopia ugu baaqday dhamaan Labada dhinac inay joojiyaan wax kasta oo hurin kara Dagaal kale.

Digniintan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxa Isgaarsiinta ee Dowlad-gobaleedka Kilinka 5-aad ee Ethiopia, Idris Ismaaciil Cali uu bishan October 5-dii ku daabacay Bartiisa Facebook-ga, taasi oo uu Hal-ku-dheg uga dhigay “Dagaalka Dadka Oromada waxay kaga soo horjeedaan Soomaalida Ethiopia”.

Arrintan ayaa timid, kadib, markii Qowmiyadaha Soomaalida iyo kuwa Oromadda bishii hore ku dagaalameen Bariga Ethiopia, waxaana iska horimaadkaasi lagu dilay in ka badan 60-qof, iyadoo boqolaal kale ku barakaceen.

- Advertisement -

Xigasho : Addis Standard

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories