HomeWararDhageyso:-Ganacsade liibaan Shuluq”Maleeshiyo Beeleed ayaa i afduubtay”

Dhageyso:-Ganacsade liibaan Shuluq”Maleeshiyo Beeleed ayaa i afduubtay”

Date:

Related stories

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun...

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Baydhabo, 10 Juun 2026 –...

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...
- Advertisement -

Shalay Gelinkii dambe ciidamada Nabad-Sugida Galmudug waxa ay xireen Liibaan Maxamed Xasan oo loo yaqaano (Liibaan Shuluq) oo ka mid ah Ganacsatada Galmudug waxaan Suurta gashay in Saacado kadib Xabsiga laga sii daayay.

Liibaan Shuluq oo Maanta Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in xili uu ka tegay Muqdisho Garoonka diyaaradaha Cadaado ay ka afduubteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in kadib dadaal ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka iyo dad aaan ehelo nahay iyo kacdoon ka yimid Ciidamada Galmudug qaarkood suurtagashay in la isiidaayo.

Waxaa la weeydiiyay Sababta ka dambeysa xarigiisa iyo waxa ka jira in lacag farabadan laga qaatay ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Wlh wxa naga dhaxeeyo madaxda Galmudug majirto aniga waxana ahay Ganacsade balse aniga waxaa leygu heestaa Ra’yi aan aaminsanahay oo ah nabada Galmudug weey jirtaa lacag iga maqan balse maxkamad iyo sisharci ah ayaan ku heli doonaa wixii aan tebaayo ayuu yiri Ganacsade Liibaan Shuluq”

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu beeniyay Wararka sheegayay in uu faraha la galay arrimaha Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug waxa uuna sheegay in kaliya uu aaminsan yahay in qof walba uu xur noqdo.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in Xaaf uu aaminsan yahay in uu yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug kadib markii uu wax ka qaban waayay dhibaatooyin farabadan oo ka jira deegaanada Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Ganacsade Liibaan Maxamed Xasan (Shuluq)

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories