HomeCaalamkaAlshabaab oo dhowr qof ku dilay Toogasho ka dhacday Kenya

Alshabaab oo dhowr qof ku dilay Toogasho ka dhacday Kenya

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

2 ka tirsan Shaqaalaha Kambaska Jaamacadda Farsamadda ee (the Technical University of Mombasa) ee Degaanka Kawale ayaa lagu dilay Toogasho ka dhacday Deegaanka Ukunda.

Sarkaal Bolis iyo Goobjooge codsaday inaan magacyadooda la shaacinin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in  dabley hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab rasaas ku fureen Bas ay la socdeen Ardayda Kambaska Jaamacadda T.U.M.ku leedahay Kawale.

- Advertisement -

Sarkaal Bolis ayaa sheegay in rag hubeysan oo tiradooda ku dhawayd 10-qof tacshiirad huwiyeen Baskii waday Ardayda iyo gaari ay Boliska la socdeen oo gelbinayey Ardayda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dableyda hubeysan ka soo baxeen dhulka kaymaha, isla markaana ay toogasho ku dileen 2 haween oo ka tirsan Shaqaalaha Jaamacadda, kuna dhaawaceen Dareewalkii Baska iyo 2 Askari.

Goobjooge codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay REUTERS inay aragtay  dhowr arday oo uu dhiigu ka qubanayo.

- Advertisement -

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Larry Kieng ayaa sheegay inay bilaabeen Hawlgal ay ku baadi-goobayaan kooxihii geystay Weerarkaasi oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Weerarka maanta ka dhacay duleedka Mombasa ayaa ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay Ciiddanka Kenya shalay sheegteen inay 5 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab ku dileen Hawlgal ay ka fuliyeen dhulka kaymaha Booni..

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa uu Saxaafadda u sheegay inay Hawlgalkaasi ku qabsadeen 6 qoryaha AK 37, 3 bam gacmeed iyo 321 xabbo oo rasaas ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories