HomeWararSawirro:-Agaasime Koofi oo booqday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Sawirro:-Agaasime Koofi oo booqday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadam Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid […]

- Advertisement -

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadam Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

- Advertisement -

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badan 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories