HomeCaalamkaGuddoomiyihii Barlamaanka Ethiopia oo isku casilay dagaalkii Soomaalida iyo OROMIA

Guddoomiyihii Barlamaanka Ethiopia oo isku casilay dagaalkii Soomaalida iyo OROMIA

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Abadula Gemeda ayaa la sheegay inuu isku casilay sida ay Dowladda Federalka Ethiopia gacanta ugu dhigtay dagaalkii Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda bishii hore ku dhex maray Bariga dalkaasi. Abadula Gemeda oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromadda ayaa is-casilay, waxayna Is-casilaadiisu ku soo beegantay iyadoo la filayo inay Xildhibaanadda Barlamaanka Ethiopia berrito […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Abadula Gemeda ayaa la sheegay inuu isku casilay sida ay Dowladda Federalka Ethiopia gacanta ugu dhigtay dagaalkii Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda bishii hore ku dhex maray Bariga dalkaasi.

Abadula Gemeda oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromadda ayaa is-casilay, waxayna Is-casilaadiisu ku soo beegantay iyadoo la filayo inay Xildhibaanadda Barlamaanka Ethiopia berrito Kalfadhigooda uga furmo magaalladda Addis Abeba.

- Advertisement -

Warka ku aadan Is-casilaadaasi waxaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay Wargeyska The Addis Standard news, iyadoo Is-casilaadiisa ku sheegtay mid salka ku haya Tallaabadda ay Dowladda Dhexe ugu dirtay Ciiddanka Federalka si ay u joojiyaan Dagaalkii u dhexeeeyey Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada.

Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 50-qof, waxaana ku barakacay 160,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii Barlamaanka Ethiopia ee is-casilay, Abadula Gemeda waxa uu Xilkaasi qabtay sannadkii 2010-kii, iyadoo mar labaadna loo doortay sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Waxa uu ahaan jirey Madaxweynihii Maamul-gobaleedka OROMIA, wuxuu kaloo mar soo noqday Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federalka Ethiopia.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories