HomeWararFAALLO:- Duufaanta Siyaasadda ka jirta Somalia oo saamayn ku yeelatay DFS iyo...

FAALLO:- Duufaanta Siyaasadda ka jirta Somalia oo saamayn ku yeelatay DFS iyo inta badan Maamul-gobaleedyadda

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Xaallad aan caadi ahayn iyo Gilgil Siyaasadeed ayaa maalmahan maasheeyey Geeddi-socodkii Shaqo ee DFS iyo Maamullada hoos yimaada, waxaana figta sare gaartay Muran-siyaasadeedka ka dhashay Ismaan-diidka iyo Faragelinta dhinaca Maamulka iyo Hawlaha kale. Xiisadda Taagan ayuuna Mas’uul kasta ku saleeyaa Aragtidiisa ama Awoodda Xilkiisa, waana Dhaqan marin-habaabin kale keeni kara, haddii aan sida ugu caqligalsan […]

- Advertisement -

Xaallad aan caadi ahayn iyo Gilgil Siyaasadeed ayaa maalmahan maasheeyey Geeddi-socodkii Shaqo ee DFS iyo Maamullada hoos yimaada, waxaana figta sare gaartay Muran-siyaasadeedka ka dhashay Ismaan-diidka iyo Faragelinta dhinaca Maamulka iyo Hawlaha kale.

Xiisadda Taagan ayuuna Mas’uul kasta ku saleeyaa Aragtidiisa ama Awoodda Xilkiisa, waana Dhaqan marin-habaabin kale keeni kara, haddii aan sida ugu caqligalsan loo xalinin barbar yaaca ka dhex jira DFS iyo Maamul-gobaleedyada.

- Advertisement -

Mashaqada Siyaasadda ee ay Muwaadiniintu dhabana-hays ka qaadeen ayaa ah Dabeecadaha Jaanta Roganka ee ay Madaxda Maanta min Heer Qaran ilaa Maamul-gobal isku maan diissan yihiin, waana Xaallad Kacsan, inkastoo aysan Madaxdu qabow ama Kulayl ku haynin Khilaafka Taagan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Khilaafka Siyaasadda Xiligaan taagan loo kala qeybin karo:

1- Khilaafka DFS  dhexdeeda, taasi oo badankeeda lagu salaysan karo Jah-wareer ka jira Nidaamka Maareynta Waajibaadka Hay’addaha Labada Gole.

- Advertisement -

2-Khilaaf DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, kaasi oo ku salaysan Damac-siyaasadeed iyo Xarig-jiid ka dhashay Khilaafka Khaliijka.

3- Khilaaf Hoose oo u dhexeeya Maamul-gobaleedyadda oo ku salaysan Khilaaf dhinaca Maamulka iyo Aragtida, waana Buuqa ugu weyn ee haatan ololkiisa laga dareemi karo Maamul-gobaleedyadda Galmudug, K/Galbeed iyo Puntland.

Marka aad loogu kuur-galo Khilaafka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda waxaa la dhihi karaa waa mid soo-jireen ah, iyadoo Madaxda Maamul-gobaleedyadda wax caadi ah u arkaan  inay farageliyaan Awoodaha DFS loo idmaday.

Faragelintaasi iyo marin-habaabinta kale ayaana u muuqda inay Madaxda Goballadda weli galti ka yihiin Nidaamka Federalka iyo Awoodaha Heerka Qaran iyo kuwa Gobaleedka.

Muranka Siyaasadda ee haatan taagan ayaa ah saamaynta uu inagu yeeshay Khilaafka dalalka Khaliijka iyo Go’aanadda is-narbar yaaca ee ay kala qaateen  DFS iyo Maamul-gobaleedyadda.

Hanka Dhaqaalaha laga helay Dowladaha Khaaliijka ayaana sii murjin kara Xiisadda oo haatan dacalo badan yeelatay.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Ololkiisa hareeyey Siyaasadda Qraanka ayaa waxaa ku lug leh Dowlado badan oo daaha gadaashiisa wax ka hagayo, balse, waxaa isweydiin mudan ma laga badbaadi doonaa Duufaanta Siyaasadda ka jirta Somalia iyo Loolanka  u dhexeeya DFS iyo inta badan Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka ?

Hoos Ka Dhageyso Faalada oo uu akhrinayo Maxamed Cabdullaahi Baxnaaniye

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories