HomeCaalamkaCaruur iyo Macalinkooda oo dab uu ku dilay Brazil

Caruur iyo Macalinkooda oo dab uu ku dilay Brazil

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ugu yaraan afar carruur ah iyo macallin ayaa waxa ay ku dhinteen dalka Brazil kaddib markii nin ilaalo ka ahaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taal magaalada Janauba ee gobolka Minas Gerais ee waddankaasi uu halkaasi dab qabadsiiyay. Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 kale ay weerrarkaasi dabka ah ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan afar carruur ah iyo macallin ayaa waxa ay ku dhinteen dalka Brazil kaddib markii nin ilaalo ka ahaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taal magaalada Janauba ee gobolka Minas Gerais ee waddankaasi uu halkaasi dab qabadsiiyay.

Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 kale ay weerrarkaasi dabka ah ku dhaawacmeen arooryadii Khamiistii.

- Advertisement -

Muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa muujisay dad badan oo isugu yimid banaanka hore ee xarun caafimaad, hooyo qeylineyso oo ka niyad jabsan xaalada caafimaada ee ilmaheeda.

Sida ay sheegeen saraakiisha, mid ka mid ah ilaalada xanaanada carruurta ayaa waxa uu ku daadiyay aalkolo qaar ka mid ah caruurta iyo isagaba, Kadibna dab qabadsiiyay.

Si la mid ah carruurta, ayaa qaar ka tirsan dadkii waa weynaa ee ka shaqeynayay xanaanada carruurta ay sidoo kale ku dhaawacmeen dabkaan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Brazil Michel Temer, ayaa ku sheeegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka inuu si weyn uga xun yahay musiibadii dhacday, isga oo tacsi u diray ehelada dadkii waxku noqday dabkaasi.

Mr Temer Waxa uu intaasi raaciyey in isaga qudhiisa ka aaba ahaan uu fahamay in musiibadan ay ahayd mid aad u xanuun badan.

Bbcsomali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts