HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Suudan

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Suudan

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

- Advertisement -

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories