HomeCaalamkaFAALLO: Natiijo noocee ah ayaa laga filan karaa Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku...

FAALLO: Natiijo noocee ah ayaa laga filan karaa Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku tegay dalka Suudaan?

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu booqashadiisii ugu horreysay gelinkii dambe ee shalay ku tegay Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, kadib, markii uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Albashii. Waana Kulankii ugu horreeyey ee sida rasmiga ah ee uu Madaxweyne Farmaajo la yeesho   Madaxweyne Albashiir oo  talada dalka Sudan ku qabsaday […]

- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu booqashadiisii ugu horreysay gelinkii dambe ee shalay ku tegay Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, kadib, markii uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Albashii.

Waana Kulankii ugu horreeyey ee sida rasmiga ah ee uu Madaxweyne Farmaajo la yeesho   Madaxweyne Albashiir oo  talada dalka Sudan ku qabsaday Afgembi Milliteri sannadkii 1989-kii..

- Advertisement -

Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku joogo Sudan ayaana lagu micneeyey mid Ahmiyad Khaas u leh DFS ee weli curdanka ah, isla markaana u baahan in laga taageero dhinacyadda Ammaanka, Dib-u-habaynta Ciiddanka Qaranka.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Faramaajo xilka  qabtay waxa uu Taageero Dhaqaale iyo mid Moraalba ka helay Madaxda Caalamka, gaar ahaan Reer Galbeedka iyo kuwa Carabta, iyadoo ay Dowladda Sacuudiga isbuucii hore ugu deeqday lacag dhan 50-million oo Dollar oo loo adeegsanayo Hawlaha Dowladda.

Haatan uu Madaxweyne Farmaajo booqanayo dalka Sudan waxa uu Dowladda Madaxweyne Albashiir ka helay Ballanqaad ku aadan Dib-u-dhiska Qeybaha Milliteriga Qaranka Somalia iyo Soo-celinta Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Waa hubaal inuu Madaxweyne Albashiir sameeyey Yabooh muhiim ah, inkastoo la dhihi karo waxa uu ka hor dhacay Codsiyadda Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa u diiwaan gashan.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Albashiir kaga faa’ideysan karo socdaalka Madaxweyne Farmaajo dhinaca Siyaasadda, iyadoo Dowladda Maraykanka indhaha ku hayso  Arrimaha Sudan, lana filayo inay ka qaadaan Cunaqabataynta Dhaqaale oo ay ku soo rogeen dalkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Madaxda Qaranka iyo Wafuudda booqashada ku tega dalalka Caalamka ka muuqanin Saansaanta Socdaalkooda Hawleed, waxaana iska caadi noqota inuu socdaalkooda u muuqaal eg yahay Socdaal Tamashlayn iyo Dalxiis ah.

Haddaba, haddaynu falaanqeyn ku samayno Qoddobadda Madaxweyne Farmaajo kaga faa’ideysan karo Kulanka uu la leeyahay Madaxda Dowladda Sudan ayaa waxaa ugu muhiimsan Iskaashiga dhinacyadda Siyaasadda, Ammaanka, Tacliinta iyo Xoojinta Ganacsiga, Tababarka Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Rayidka iyo Xoojinta Hay’addaha kala duwan ee DFS.

Muwaadiniinta Soomaalida ayaana jeclaan lahaa inuu Madaxweynuhu culayska saaro dhinaca Dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii uu Dowladda Sudan ugu qancin lahaa inay xayiraadda ka qaadaan Lacagata Shillin Soomaaliga ee lagu daabacay Sudan xilligii uu Madaxweynihii DKMGS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed hayey talada dalkeenna.

Waana qoddobka ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo furdaamin karo, waaba haddii uu dareensan yahay baahida dhinaca Lacagta ee ka jirta dalka, iyadoo Lacagta Shillin Soomaaliga ee haatan la isticmaalo yihiin kuwo Faalso ah iyo kuwo duugoobay oo  dhaqan-gab noqday.

Dhaqaale-yahanadda ayaana amakaag ka qaada sababaha ay Madaxda Qaranka uga meermeerayaan Soo-daabicida Lacagaha Cusub, iyadoo ay Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) xaqiijisay inay 98% Lacagta Shillin Soomaaliga ee la isticmaalo yihiin kuwo la been abuur oo aan lahayn Tixraac Sugan.

Haddana, Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa laga rajeynayaa inay Safarka ay ku joogaan Sudan uga faa’ideeyaan Danaha Qaranka, iyadoo la og yahay inuu dalka Sudan yahay dal khibrad badan u leh dhinacyadda Siyaasadda, Ammaanka, Xoojinta Milliteriga iyo Xooraansiga Mukhaabaraadka Heerka Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Natiijo noocee ah ayaa laga filan karaa Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku tegay dalka Suudaan?

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories