HomeCaalamkaCiiddanka Bangladesh oo burburiyey doonyihii Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ka soo qaadi...

Ciiddanka Bangladesh oo burburiyey doonyihii Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ka soo qaadi jiray Myanmar

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Maamulayaasha Bangladesh ayaa la sheegay inay burburiyeen 20- Dooni oo Qazootigaasi ku soo tahriibi jireen, kadib, markii la ogaaday inay dalkaasi soo geliyaan Daawooyin Kontorobaan ah. Qaar ka mid ah Qaxootiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Ilaaladda Xuduudka garaaceen , isla markaana xireen Qaxootiga iyo Naakhuudayaashii waday Doonyaha ka soo gudba Webiga NAF […]

- Advertisement -

Maamulayaasha Bangladesh ayaa la sheegay inay burburiyeen 20- Dooni oo Qazootigaasi ku soo tahriibi jireen, kadib, markii la ogaaday inay dalkaasi soo geliyaan Daawooyin Kontorobaan ah.

Qaar ka mid ah Qaxootiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Ilaaladda Xuduudka garaaceen , isla markaana xireen Qaxootiga iyo Naakhuudayaashii waday Doonyaha ka soo gudba Webiga NAF ee u dhexeeya Bangaladesh iyo Galbeedka dalka Myanmar

- Advertisement -

Qaxootiga waxay sheegeen in la garaacay markii ay soo gaareen DekeddA SHAAH PORIR DAWIN ee Koonfurta dalkaasi.

Taliyaha Ciiddanka Xuduudaha ee Bangaladesh, Kolonel Cariful Islaam ayaa beeniyey in la garaacay Dadkaasi, wuxuuna xusay in Hawlgalkaasi looga dan leeyahay sidii lagu joojin lahaa Tahriibita Dadka iyo in Kaniiniga loo isticmaalo daaweynta Neerfaha oo dalkaasi  looga yaqaano “ya ba”.

Rakaabkii la socday doonyaha waxay sheegeen inay 123 Dollar qofkiiba ku bixiyo safarka tahriibka ee ay ku soo galaan dalka Myanmar.

- Advertisement -

500,000 oo Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ayaa soo galay dalka Bangaladesh, kuwaasi oo ka soo baxsaday Hawlgaladda Milliteriga Myanmar ku ugaarsanayeen dadka Muslimiinta ee ku nool Gobalka Rakhine ee dalkaai.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories