HomeWararWafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan. Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga […]

- Advertisement -

Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka kamid ah iyo Xubno ka kala socda UN ka iyo AMISOM.

- Advertisement -

Ujeedka Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dardar galinta Howlgalada Nabad diidka Kooxda Alshabaab lagu beegsanayo sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uu u sheegay Wasiirka Ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dhiseyso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana Safarka Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandhigga  qeyb uu ka yahay dardar galinta qorshaha dhisada, tayeynta iyo dhiiri galinta Ciidamada Qaranka.

Sonna

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories