HomeCaalamkaQM oo la filayo inay Liiska Madow ku daraan Isbahaysiga Sacuudiga

QM oo la filayo inay Liiska Madow ku daraan Isbahaysiga Sacuudiga

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Qoraal qabyo ah oo ay aragtay Wakaalladda Wararka REUTERS  ayaa muujinaya in lagu xusay in Isbahaysiga Milliteriga ee ay Sacuudiga hoggaamiyaan lagu dari karo Liiska Madow ee QM ee lagu qoro Dalalka tacadiyada geysta. Isbahaysiga Sacuudiga ayaa lagu eedeeyeey inay dad rayid oo ay ku jiraan carruur ku dileen dalka Yemen. Warbixinta ayaa lagu xusay […]

- Advertisement -

Qoraal qabyo ah oo ay aragtay Wakaalladda Wararka REUTERS  ayaa muujinaya in lagu xusay in Isbahaysiga Milliteriga ee ay Sacuudiga hoggaamiyaan lagu dari karo Liiska Madow ee QM ee lagu qoro Dalalka tacadiyada geysta.

Isbahaysiga Sacuudiga ayaa lagu eedeeyeey inay dad rayid oo ay ku jiraan carruur ku dileen dalka Yemen.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu xusay in duqeynta Isbahaysiga Sacuudiga lagu dilay 883 carruur ah, isla markaana la beegsaday duqeymo loo geystay Dugsiyo iyo Isbirtaalo sannadkii la soo dhaafay.

Qoraalka Qabyada ee QM waxaa kaloo Liiska Madow lagu daray Kooxda Xuutiyiinta, Maleeshiyadda taageersan Dowladda Yemen iyo kuwa Kooxda Alqaacidada Gacanka Carbeed, kuwaasi oo la sheegay inay tacadiyo u geysteen carruurta ku nool Yemen sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii.

Warbixinta Qabyo Qoraalka ayaa la filayaa inuu ansixiyo Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, iyadoo ay Golaha Ammaanka ee QM lagu wado inay bishan October 31-dii ka doodaan Warbixintaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories