HomeCaalamkaKiiska Ninkii Soomaaliga ee weerarka ka geystay dalka Kanada oo dib loo...

Kiiska Ninkii Soomaaliga ee weerarka ka geystay dalka Kanada oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Abdulahi Hassan Sharif oo 30-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Edmonton ee Gobalka Albert ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay 11-Kiis oo ay ku jiraan inuu tooreey ku dhaawacay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof  jiirsiiyey gaarigiisa habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay. Eedeysanaha ayaa la keenay Maxkamadda isagoo watay […]

- Advertisement -

Abdulahi Hassan Sharif oo 30-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Edmonton ee Gobalka Albert ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay 11-Kiis oo ay ku jiraan inuu tooreey ku dhaawacay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof  jiirsiiyey gaarigiisa habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay.

Eedeysanaha ayaa la keenay Maxkamadda isagoo watay Dharka Maxaabiista ee midabka Jaallaha leh, iyadoo uu Nin Somali turjumaan ka ahaa qaadista Dacwadaasi.

- Advertisement -

Madasha Maxkamadda waxaa joogay qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Edmonton, kuwaasi oo horey u cambaareeyey Weerarkaasi.

Hoggaamiyaha Jaalliyadda oo lagu magacaabo Maxamed Akord oo aan la hadlin Eedeysanaha ayaa sheegay inuu Mujtamaca Soomaalida ka maqlay inuu Eedeysanaha ka soo jeeda Beelaha laga tirade badan ee Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Qareenka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jaadi Mustarax ayaa sheegay in Ogeysiis Kooban loogu sheegay inuu dhinaca Sharciga ka taageero Eedeysanaha, wuxuuna xusayin loo baahan yahay in la helo Qareen kale si ay Dacwadda u sii socoto.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda Edmonton ayaa amartay in Eedeysanaha Abdullahi Hassan Shariif lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo Dacwadiisa dib loo dhegeysan doono bisha November 14-da ee sannadkan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories