HomeCaalamkaMadaxda Jaamacadda Al-azhar oo shaacisay inay kordhin doonaan Deeqaha Waxbarasho oo ay...

Madaxda Jaamacadda Al-azhar oo shaacisay inay kordhin doonaan Deeqaha Waxbarasho oo ay siiyaan Ardayda Soomaalida

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Iimaamka Weyn ee dalka Masar, ahna Madaxa Jaamacadda Al-azhar, Sheekh Axmed Al-dayib. waxa uu hadalkaasi ka sheegay  mar uu shalay la kulmay Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Masar. Prof. Jaweari waxa uu ka codsaday Madaxa Sheekhul-Azhar inay Somalia ka taageereen sidii looga hortegi lahaa Aragtiyaha Xag-jirnimadda iyo Soo-celinra […]

- Advertisement -

Iimaamka Weyn ee dalka Masar, ahna Madaxa Jaamacadda Al-azhar, Sheekh Axmed Al-dayib. waxa uu hadalkaasi ka sheegay  mar uu shalay la kulmay Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Masar.

Prof. Jaweari waxa uu ka codsaday Madaxa Sheekhul-Azhar inay Somalia ka taageereen sidii looga hortegi lahaa Aragtiyaha Xag-jirnimadda iyo Soo-celinra Deganaanshaha dalka.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Somalia dhibaato kala kulantay Aragtiyaha Xag-jirka ee waxyeelladda u geystay Deganaanshaha Bulshada Soomaaliyeed,iyo inay qarxaan dagaalo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Prof. Jawaari waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Somalia u baahan tahay Doorka Jamaacaul-Azhar sidii looga hortegi lahaa Fikradaha Xag-jirka iyo in Somalia loogu soo dabaalo Deganaanshaha.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia xiriir la lahayd Jaamacadda Al-azhar  dhowr qarni, isla markaana Ergo badan oo ka tirsan  Al-azhar ka hawl-geli jireen Somalia iyo inay Arday Soomaali ah ka qalin jebiyeen Jaamacatul-Azhar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Iimaamka Weyn ee dalka Masar, ahna Madaxa Jaamacadda Al-azhar, Sheekh Axmed Al-dayib oo ka hadlay Qaabilaadaasi  waxa uu tilmaamay inay Al-azhar mas’uul ka tahay sidii ay dhamaan Dhallinyarada Islaamka uga wacyi-gelin lahaayeen Khatarta Fikradaha Xag-jirka, waa sida u uhadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Al-azhar taageerayso dadka Soomaaliyeed, iyadoo Deeqo Waxbarasho siiyaan Ardayda Soomaalida si ay wax uga bartaan Jaamacatul-azhar.

Iimaamka Weyn ee dalka Masar waxa uu carrabka ku dhuftay inay Al-azhar diyaar u tahay inay kordhiyaan tirada Deeqaha Waxbarasho ee la siinayo Ardayda Soomaalida iyo in la tababaro tido badan oo ka mid ah Imaamyada Soomaalida iyo in Xarun lagu barto Luqadda  Carabta laga furi doono Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu horey ugala hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Qeyd in la tixgeliyo xubinnimadda Somalia ee Umadaha Carbeed iyo inay Somalia astaan u tahay Dadka Carbeed.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories