HomeMaqalDhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug

Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan aqoon dowladda Qatar isla markaana aysan waligeed la yeelan wax xiriir ah. Waxa uu sheegay in puntland ay weli ku adkeysaneyso Go’aankii ay ku taageertay Xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar. Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday xiisada u […]

- Advertisement -

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan aqoon dowladda Qatar isla markaana aysan waligeed la yeelan wax xiriir ah.

Waxa uu sheegay in puntland ay weli ku adkeysaneyso Go’aankii ay ku taageertay Xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

- Advertisement -

Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday xiisada u dhaxeysa Madaxda Galmudug ee ka taagan Magaalada Cadaado waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay go’aan deg deg ah oo ay ku taageertay Xildhibaanadii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Inta badan Maamulada ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxaa  haatan Mdaxdooda ay wajahayaan cadaadis kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada, waxaana horay loo riday Madaxweynihii Maamulk Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble halka haatan ay taagan tahay xiisada Galmudug iyo tan Koonfur Galbeed oo haatan bilaaw ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabduweli Gaas

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories