HomeWararHuman Rights Watch: Waa In La Diiwan-Geliyo Kiisaska Dembiyadda Caalamiga ee ka...

Human Rights Watch: Waa In La Diiwan-Geliyo Kiisaska Dembiyadda Caalamiga ee ka dhaca Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo dhaweysay Warbixinta cusub ee Khabiirka madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Nyadunga, oo uu ku sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in horumar laga sameeyey xaalladad Xuquuqda Aadanaha ee Somalia. Human Rights Watch waxay ku boorisay Xafiiska Wakiilka Sare ee QM ugu qaabilsan […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo dhaweysay Warbixinta cusub ee Khabiirka madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Nyadunga, oo uu ku sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in horumar laga sameeyey xaalladad Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.
Human Rights Watch waxay ku boorisay Xafiiska Wakiilka Sare ee QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (The Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights)  inay bilaabaan diiwaan-gelinta Dembiyadda khatarta ee Caalamiga ee ay ku kacaan dhamaan dhinacyadda ku lugta leh colaadaha gudaha Somalia

Human Rights Watch waxay kaloo ugu baaqday Khabiitka Madaxa Bannaan inuu awoodiisa u adeegsado si uu u dhiiri-geliyo in xukuno caddaalad leh lagu qaado kuwa geysta rabshadaha Kufsiga.

- Advertisement -

Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hubaal ka dhigaysa dadaalka lagu dhisayo Hay’addaha Dowladda Federalka,xaqiijinta Badbaadinta dadka Rayidka , xushmeynta Xuquuqda Asaasiga iyo Waxqabadka xadgudubyada.

Waxay kaloo sheegtay inay dadka rayidka weli la kulmaan dhibaato dhinaca Hawlaha Samafalka iyo Xaalladda Xuquuqda, waxayna ku eedeysay Ciiddanka Dowladda Federalka, Maleeshiyooyinka Qabaa’illadda iyo Alshabaab inay geystaan dilal aan sharci ahayn, waa sida ay hadalka u dhigtay..

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay dagaalladda u dhexeeya Beelaha ku salaysan yihiin kuwo ku xiriirsan Arrimaha Kheyraadka iyo Awood-qeybsiga Siyaasadda.

- Advertisement -

Human Rights Watch waxay ugu baaqday DFS iyo Maamul-gobaleedyada inay wax ka qabtaan Falalka Kufsiga iyo in Dembiilayaasha lala xisaabtamo. Lana soo taago Maxkamadaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories