HomeWararGolaha Xuquuqda Aadanaha Ee QM Oo Ka Hadlay Xaalladad Xuquuqda Aadanaha Ee...

Golaha Xuquuqda Aadanaha Ee QM Oo Ka Hadlay Xaalladad Xuquuqda Aadanaha Ee Somalia

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Bahame Nyadunga oo ah Khabiir madax bannaan oo u xil saaran xaalladda  Xuquuqda Aadanaha ee Somalia ayaa sheegay inay horumar laga sameeyey dhowrista Xuquuqda Aadahana, inkastoo ay weli jiraan xadgudubyo loo geysto dadka rayidka ah. Isaoo ka hadlayey Kulan ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ku yeesheen magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayuu sheegay inay […]

- Advertisement -

Bahame Nyadunga oo ah Khabiir madax bannaan oo u xil saaran xaalladda  Xuquuqda Aadanaha ee Somalia ayaa sheegay inay horumar laga sameeyey dhowrista Xuquuqda Aadahana, inkastoo ay weli jiraan xadgudubyo loo geysto dadka rayidka ah.

Isaoo ka hadlayey Kulan ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ku yeesheen magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayuu sheegay inay weli jiraan tiro dhacdooyin oo dabiici ah iyo kuwo dad-samays ah, wuxuuna farta ku fiiqay Weeraradda Alshabaab iyo Dagaalladda Beelaha ee ka dhaca qeybo ka mid ah Somalia inay galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Khabiirka waxa uu xusay inay Dagaalladda Beelaha salka ku hayaan muran dhinaca Kheyraadka iyo Awood-qeybsiga.

Khabiir madax bannaan oo u xil saaran xaalladda  Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Nyadunga waxa uu DFS uga mahad celiyey iskaashiga ay ka geystaan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, wuxuu kaloo bogaadiyey  Beesha Caalamka oo uu xusay inay Somalia ka taageereen sidii loo xaqiijin lahaa xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday Shirweynihii Arrimaha Somalia ee bilowgii sannadkan lagu qabtay magaalladda London, wuxuuna xusay in lagu taageeray dib-u-habaynta Hay’addaha Ammaanka iyo Caddaaladda, Dowlad-wanaaga, Dimuqraadiyeynta, dhismaha Nabadda iyo Istaraatijiyadda Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia.

- Advertisement -

Bahame Nyadunga waxa kale oo ka hadlay saamiga ay Haweenka ka heleen Kuraasta Labada Gole ee BFS, wuxuuna xusay inay Haweenka caqabado kala kulmeen Dhaqanka iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Warbixintiisa ku sheegay inay DFS haatan ku hawlan tahay dhamaystirka  Sharciga iyo Jadwalka Shaqo ee qaab dhismeedkaHay’adeed ee Doorashadda dhici doonta sannadka 2021-ka.

Khabiirka madax bannaan ee u xil saaran xaalladda  Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Nyadunga  waxa u uugu dambeyntii rajo ka muujiyey in Is-faham laga gaari doono dhamystirka Axdi-qarameedka Somalia iyo qoddobadda Siyaasadda ee weli lagu murunsan yahay oo ay ka mid yihiin Sharciyeynta Xisbiyadda Siyaasadda iyo sidii Nidaamka Beelaha looga gudbi lahaa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories