HomeMaqalDhageyso:-Xilka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii Maamulka Galmudug

Dhageyso:-Xilka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii Maamulka Galmudug

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Galabta waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas kulankaas oo mudo Saddex jeer horay uga baaqday. Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Axmed Yuusuf Ciyoow oo maanta ay xildhibaanada u doorteen Gudoomiyaha KMG,ka ah kadib markii Gudoomiyahoodii laga dhigay Xabsi guri. Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka […]

- Advertisement -

Galabta waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas kulankaas oo mudo Saddex jeer horay uga baaqday.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Axmed Yuusuf Ciyoow oo maanta ay xildhibaanada u doorteen Gudoomiyaha KMG,ka ah kadib markii Gudoomiyahoodii laga dhigay Xabsi guri.

- Advertisement -

Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Xubnihii Maanta kulmay ayaa sheegay in kulankoodii ay xilka uga qaadeen Madaxweynahii Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

“Kulankeena waxa soo xaadirtay 55  xildhibaan waxaa kalsoonida kala laabtay 52 xildhibaan laba Xildhibaan weey ka amustay halna wuu diiday, madaxweynaha waxa uu xilka ku weyn karay 46 xildhibaan balse in ka badan ayaa la haley ayuu yiri Xildhibaanka”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xilkaas uu si KMG,a ah uu u heyn doono Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Madaxweyne Xaaf uu horay uga dhigay Xabsi Guri.

- Advertisement -

Waxaa la weeydiiyay Su’aal aheyd in go’aanka ay qaateen uu yahay mid ay ku deg degeen ayaa waxa uu sheegay in aysan ku deg degin islamarkaana Madaxweyne Xaaf uu jebiyay Dastuurka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka iyo War qoraal ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay kulanka xilka qaadista

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories