HomeCaalamkaSawirro:-Dalalka Shisheeye oo laga dalbaday inay joojiyaan xiriirka kala dhaxeeya Dowlad-gobaleedka Kurdistaan

Sawirro:-Dalalka Shisheeye oo laga dalbaday inay joojiyaan xiriirka kala dhaxeeya Dowlad-gobaleedka Kurdistaan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’isul-wasaraha Iraq, Xaydar Al-abadi ayaa jeediyey Baaqaasi, iyadoo ay dadka ku nool Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga Iraq maanta u codeynayaan Afri ay ku doonayaan inay ku noqdaan Waddan ka madax bannaan dalka Iraq. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaare Al-abadi ayaa loogu baaqay Dalalka shisheeyaha inay joojiyaan Shidaalak cayriin ee ay sida tooska ah uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’isul-wasaraha Iraq, Xaydar Al-abadi ayaa jeediyey Baaqaasi, iyadoo ay dadka ku nool Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga Iraq maanta u codeynayaan Afri ay ku doonayaan inay ku noqdaan Waddan ka madax bannaan dalka Iraq.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaare Al-abadi ayaa loogu baaqay Dalalka shisheeyaha inay joojiyaan Shidaalak cayriin ee ay sida tooska ah uga yimaada Maamul-gobaleedka Kurdistaan.

- Advertisement -

Qoraalka Dowladda Dhexe ee Iraq ayaa u muuqda mid si toos ah ugu socda dalka Turkiga oo la sii marsiiyo shidaalka cayriin ee laga soo qaado Gobalka Kurdistaanka.

Ku-dhawaad 650,000 oo Barmiil ee Shidaalka Cayriin ayaa maalin kasta laga soo saaraa Kudistaan, iyadoo 150,000 oo Barmiil oo ka mid ah shidaalkaasi laga soo saaro Degaanadda lagu murunsan yahay ee magaalladda Kirkuuk.

Shidaalkaasi waxaa la soo marsiiyaa Dhuun shidaal, si looga dhoofiyo Dekedaha Turkiga.

- Advertisement -

Baaqa Dowladda Dhexe ee Iraq ku doonayso in ay dalalka shisheeyaha ku qaadacaan shidaalka laga soo dhoofiyo Gobalka Kurdistan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay dadka ku nool Waqooyiga Iraq maanta u codeynayaan Afri ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal ka madax-bannaan dalka Iraq.

5.6 Malaayiin qof oo ku nool Mamaul-gobaleedka Kurdistaan ayaa maanta isugu soo baxay goobaha cod-bixinta, si ay ugu codeeyaan Gooni isku taagga dal madax bannaan.

Dowladda Iraq iyo Beesha Caalamka waxay ka soo horjeedaan Cod-bixintaasi, inkastoo Madaxweynaha Kurdistaan, Mascuud Barasaani dhegaha ka fureystay Baaqaasi.

Cod-bixiyayaasha waxay Waraaqadaha cod-bixinta ku ridayaan ku-dhawaad 2,065 goobood oo laga codeynayo, kuwaasi oo furnaan doona muddo 10-saacadood.

Natiijadda cod-bixintaas waxaa si rasmi ahaan loogu dhawaaqi doonaan maalinta Talaadada ee soo socota

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts