HomeWararMichael Keating”Sharciga Saxaafadda Somalia uma muuqda mid u qalma Heerka Warbaahinta Caalamiga”

Michael Keating”Sharciga Saxaafadda Somalia uma muuqda mid u qalma Heerka Warbaahinta Caalamiga”

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa soo dhaweeyey tallaabadda ay Xildhibaanadda BFS ay dib ugu eegayaan Sharciga Saxaafadda ee ay DFS diyaarisay sannadkii 2016-kii. Waxa uu intaasi ku daray in doodii hordhaca ee Xildhibaanadda ee Dib-u-eegistaasi inay isbedel ku samayn doonto Sharciga Saxaafadda dalka ee la soo […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa soo dhaweeyey tallaabadda ay Xildhibaanadda BFS ay dib ugu eegayaan Sharciga Saxaafadda ee ay DFS diyaarisay sannadkii 2016-kii.

Waxa uu intaasi ku daray in doodii hordhaca ee Xildhibaanadda ee Dib-u-eegistaasi inay isbedel ku samayn doonto Sharciga Saxaafadda dalka ee la soo saaray sannadkii hore.

- Advertisement -

“Warbaahinta Wararka ee Madax-bannaan waxay muhiin u tahay Isla-xisaabtanka iyo Dimuqraadiyadda” ayuu yiri Michael Keating oo intaasi ku daray in qeybo ka mid ah Sharciga Saxaafadda Somalia uusan u muuqanin mid u dhigma Heerka Warbaahinta Caalamka.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in si taxadir leh si buuxda dib loogu eego Sharciga Saxaafadda, isla markaana loo oggolaado qybaha ay khusyeo inay Aragtidooda ka dhiibtaan Xeerka Saxaafadda ee haatan hor yaalla Xildhibaanadda BFS.

Michael Keating waxa uu xusay in Natiijadda ka soo baxda dib-u-eegita Sharci-dejiyayaasha BFS ay sare u qaadi doonto jawiga ay ku hawl-galaan Suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinada Xorta ee Somalia, si ay cabsi la’aan u gutaan Hawlahooda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories