HomeMaqalDhageyso:-Xaalada M/Cadaado oo Maanta kacsan iyo Xiisada u dhaxeysa madaxda Galmudug oo...

Dhageyso:-Xaalada M/Cadaado oo Maanta kacsan iyo Xiisada u dhaxeysa madaxda Galmudug oo Cirka isku Shareertay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeya hoggaanka sare ee madaxda maamulka Galmudug kadib Go’aankii uu xulufada Sacuudiga ku taageeray Madaxweyne Xaaf. Shalay Madaxweyne Xaaf ayaa Diyaarad siday wax ay ku hakatay Magaalada Hargeysa kadib markii sida uu sheegay loo diiday in uu ku soo dego Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde, isla markaana markii […]

- Advertisement -

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeya hoggaanka sare ee madaxda maamulka Galmudug kadib Go’aankii uu xulufada Sacuudiga ku taageeray Madaxweyne Xaaf.

Shalay Madaxweyne Xaaf ayaa Diyaarad siday wax ay ku hakatay Magaalada Hargeysa kadib markii sida uu sheegay loo diiday in uu ku soo dego Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde, isla markaana markii uu Cadaado tegay uu sheegay in faragelin ay ku heeyso dowladda Soomaaliya .

- Advertisement -

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa waxaa ka socda kulmo kala duwan waxaana haatan Cadaado ku wada sugan Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa iyaga oo aan weli kulmijn mudo ku dhawaad 24 Saacadood ay ku wada sugan yihiin Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale waxaa lagu arkayaa Gawaari ay ku xiran yihiin Cod baahiyaal kuwaas oo dadka uga digaya in ay soo dhaweeyaan Wafdi ka socda dowldda Soomaaliya hadii uu yimaado Magaalada Cadaado.

Hadana faah faahintii u dambeysay xiisada Siyaasadeed ee Magaalada Cadaado waxaana ka Wreysnayay Wariye Axmed Cabdi Salaan Khaliif oo Cadaado ku sugan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories