HomeCaalamkaLacag loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay

Lacag loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa Malinda Gates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

- Advertisement -

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitoos ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories