HomeWararDEG DEG:-Howlgallo Caawa ka socda Xaafado ka tirsan Shibis

DEG DEG:-Howlgallo Caawa ka socda Xaafado ka tirsan Shibis

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay howlgallo kala duwan ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Shibis ee gobolkan Banaadir howlgalkaas oo dad farabadan lagu qab qabtay. Howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameynayaan Xaafadaha degmadaas kuwaas oo kala ah Waaaxda la yiraaho Calasow Dheere iyo Waaxda Axmed Gurey oo uu ku yaallo […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay howlgallo kala duwan ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Shibis ee gobolkan Banaadir howlgalkaas oo dad farabadan lagu qab qabtay.

Howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameynayaan Xaafadaha degmadaas kuwaas oo kala ah Waaaxda la yiraaho Calasow Dheere iyo Waaxda Axmed Gurey oo uu ku yaallo Suuqa Maana Booliyo.

- Advertisement -

Wariyaheena Salaamaan Xaaji Axmed Raage oo ku sugan qeybo ka mid ah Xaafadaha uu howlgalka ka socdo ayaa soo sheegaya in Ciidamadu ay Guryaha galayaan isla markaana la wadayo wixii rag ah ee qoyskaas xataa hadii uu yahay qof waayeel ah iyada oo dadkii ay ku qabteen howlgalkaas ay isugu keeneen goob barxad ah oo ku taalla Xaafada Calasow dheere.

Macada sababta ka dambeysa Howlgalka Caawa laga sameynayo Xaafadaha degmada Shibis balse waxa uu ku soo aadaya xili Maanta qarax Gaarigiisa loogu xiray Abuu Shiine oo ka mid ahaa Shaqaalaha garoonka Aadan-Cadde kana mid ahaa dadka D/Shibis balse uu geeriyooday markii Gaarigiisa uu ku qarxay isaga oo marayay qeybo ka mid ah D/Boondheere.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories