HomeWararAkhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlamaanka

Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlamaanka

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Maanta waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa ku leh Xildhibanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka hadli doono qodobo dhowr ah. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay in kulanka Baarlamaanka soo xaadiraan waxaana uu furmi doonaa waqtigii loogu talo galay oo ah 10:00 Barqanimo. Kulanka Maanta ayaa Ajandaha ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya […]

- Advertisement -

Maanta waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa ku leh Xildhibanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka hadli doono qodobo dhowr ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay in kulanka Baarlamaanka soo xaadiraan waxaana uu furmi doonaa waqtigii loogu talo galay oo ah 10:00 Barqanimo.

- Advertisement -

Kulanka Maanta ayaa Ajandaha ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka doodi doonaan ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Caafimaadka, Akhrinta 1-aad Heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka.

17 Bishaan oo ku beegneed Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii ay sidoo kale Akhrinta Koowaad marsiiyeen Xildhibaanadu Hindise Sharciyeedyada Biyaha iyo Waxbarashada.

Ammaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Sahacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo amniga xaqiijinaya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories