HomeWararSawirro:-Saddex ruux oo ku geeriyootay duleedka Jowhar

Sawirro:-Saddex ruux oo ku geeriyootay duleedka Jowhar

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Dhimashada Saddexdaan ruux iyo dhaawaca kuwo kale ayaa timid kadib markii Shil Gaari uu gelinkii Dambe ee Maanta uu ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Shilkaan ayaa ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Garaashka oo 4km koonfur ka xiga Magaalada Jowhar waxaana la sheegay in dadka dhintay laba ka mid ah ay […]

- Advertisement -

Dhimashada Saddexdaan ruux iyo dhaawaca kuwo kale ayaa timid kadib markii Shil Gaari uu gelinkii Dambe ee Maanta uu ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shilkaan ayaa ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Garaashka oo 4km koonfur ka xiga Magaalada Jowhar waxaana la sheegay in dadka dhintay laba ka mid ah ay haween yihiin.

- Advertisement -

Gaari NOAH oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar iyo Mooto Bajaaj ka timid ayaa isku dhacay,waxaana shilkaas inta la xaqiijiyay ku geeriyootay ilaa Saddex ruux halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Jowhar oo uu ugu horeeyo taliyaha Saldhiga degmada iyo masuuliyiin kale ayaa gurmad u sameeyay dadkii uu dhaawaca ka soo gaaray shilkaas halka meydkiina ay soo qaadeen.

 

- Advertisement -

Hoos Ka Daawo Sawirrada Shilka

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories