HomeCaalamka(LA-YAABKA ): Nin dilay Hooyadiisa, si uu u qanciyo Xaaskiisa

(LA-YAABKA ): Nin dilay Hooyadiisa, si uu u qanciyo Xaaskiisa

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waa Dhacdo xanuun badan oo laga argagaxo falkii uu Wiil caasi ah ku dilay Hooyadiisa oo da’ ahayd. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar, waxayna Dhimashadda Marxuumadda ayaa timid, kadib, markii uu Wiil ay dhashay uu si xun u garaacay. Marxuumadda sababsatay gacanta wiilkeeda waxaa lagu magacaabi jirey Saynab Al-sayid Maxfuud. Warbaahinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waa Dhacdo xanuun badan oo laga argagaxo falkii uu Wiil caasi ah ku dilay Hooyadiisa oo da’ ahayd.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar, waxayna Dhimashadda Marxuumadda ayaa timid, kadib, markii uu Wiil ay dhashay uu si xun u garaacay.

- Advertisement -

Marxuumadda sababsatay gacanta wiilkeeda waxaa lagu magacaabi jirey Saynab Al-sayid Maxfuud.

Warbaahinta dalkaasi ayaa qortay in uu hooyadaasi uu wiilkeeda garaacay ilaa ay ka miyir doorsoonto, wuxuuna falkaasi u sameeyey si uu u qanciyo Xaaskiisa oo la sheegay inay ku dirtay, kadib markii ay ka cabatay Hooyadiisa.

Ninka caasiga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay markii ay hooyadiisa miyir beeshay inay isaga iyo xaaskiisa u qado doonteen Baar ku yaallo meel aan ka fogeyn gurigooda.

- Advertisement -

Dhiigga ka qulqulayey Marxuumadda waxa uu gaaray bannaanka qolkii lagu jir-dilay, waxaana u soo gurmaday dadka deriska, kuwaasi oo jebiyey qolkii lagu xiray Marxuumadda.

Waxay ula carareen Isbitaalka, balse waxay u geeriyootay dhaawacyadii uu Wiilkeeda gaarsiiyey.

Markii ay Wiilkii iyo Xaaskiisa ogaadeen wixii dhacay ayey isku dayeen inay baxsadaan, balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa ku guuleystay inay xiraan wiilkii geystay dembigaas.

Dhacdadaasi laga argagaxo waxay saamayn ku yeelatay dadka Masaarida oo iyagu Dhacdadaasi ku wadaagayo Baraha Bulshadda.

Waxay codsadeen inay Cadaalad hesho Hooyo  Saynab Al-sayid Maxfuud, waxayna ugu baaqeen Qareenadda inaysan difaacin wiilkeeda arxan-laawaha ah, kana abaal dhacay Abaalkii Hooyanimo

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts