HomeMaqalDhageyso:-Soomaaliya oo 30-Sano kadib Ruwanda uga qeyb galeysa Ciyaaraha Karateega (Warbixin)

Dhageyso:-Soomaaliya oo 30-Sano kadib Ruwanda uga qeyb galeysa Ciyaaraha Karateega (Warbixin)

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

22 Bishan Magaalada Kigaali ee Caasimada Wadanka ruwanda ayuu ka furmayaa tartanka karateega oo ah ciyaar %75 lugta lagu Ciyaaro %25 gacanta lagu dagaalamo oo ay ka qeyb gali doonaan wadamo badan oo ku yaalla Qaarada Africa . Axmed Maxamed Xaaji  oo loo yaqaano Axmed Halgan waa Shaqsiga dalkeena uga qeyb gali doona Ciyaarta karateega […]

- Advertisement -

22 Bishan Magaalada Kigaali ee Caasimada Wadanka ruwanda ayuu ka furmayaa tartanka karateega oo ah ciyaar %75 lugta lagu Ciyaaro %25 gacanta lagu dagaalamo oo ay ka qeyb gali doonaan wadamo badan oo ku yaalla Qaarada Africa .

Axmed Maxamed Xaaji  oo loo yaqaano Axmed Halgan waa Shaqsiga dalkeena uga qeyb gali doona Ciyaarta karateega oo 22 Bishan lagu wado in ay ka dhacdo wadanka ruwanda oo 30 sano kadib ay Soomaaliya ka qeyb galeyso .

- Advertisement -

Sidoo kale Ciyaarahaas ayaa waxa ka qeyb gali doono wadamo badan oo ku yaala qaarada Africa, Axxmed Halgan ayaa Shalay Muqdisho loogu Sameeye Xaflad sogootin ah laguna dhiira galinaayey

Ahmed halgan ayaa Dalsan Wareysi Uu siiyey waxa uu ku sharaxay Ciyaarta Iyo sida lagu kala guuleysan karo  waxa uuna yiri.

“inta badan ciyaarahan guruubyo  jaanis ku siinaayo hadii lagaa badiyo ma laha isku aadkana waxaa la sameynaa maalinta la ciyaari doono galinka hore Ciyaartan cid walba leyskuma aadiyo km ayaa lagu tartamaa tusaale Soomaaliya oo aan u tarsamayo  54 kiilo ah wadan 58 kiilo h maleygu aadinayo ayuu yiri”

- Advertisement -

Wariyaal ka tirsan Radio Dalsan oo ka qeyb galay Sagootinta Axmed Halgan ayaa u suura gashay in ay weydiiyaan rajada uu ka qabo in uu dalka guul u horseedo difaacana magaca iyo sumcada Somaaliya oo uu tilmaamay in nafsadiisa uu kalsooni buuxda ku qabo

“rajada bulshada iyo teyda waa ay kala duwan tahay sababta oo ah bulshada aqoon badan uma laha xirfada aan leeyahay waxaan tartamaayey 7 Sano waxaana ahaa nin ciyaarahan looga baqo waxana aniga iyo shacabka na mideyn doono natiijada ayuu Yiri”

Macalinka Axmed Halgan ayaa ka mid ahaa xubinii Xaflada sAgootinta dhiira galinta ka qeyb galay waxa uu dalsan u sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in uu guul keeni karo tarTanka koobka ambassador cap

“Axmed waxaa ka rajeyneynaa Guul iyo dhiira galinta dadka da’da ah ee ciyaartan ka fariistay waxa aana ku kalsoonahay in uu yahay ciyaar yahan wanaagsan”

Ibraahin loombe lataliyaha wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ayaa u rajeeye in uu guul u keeno dalka axmed halgan

“hadaanahay bahda Ciyaaraha waxa aan soo dhaweyneynaa Axmed oo matali doona Soomaaliya oo aan leenahay garabkaaga allah hagalo magac iyo sumcad ayaan ka sugeynaa in uu noo keeno ayuu yiri “

ambassador cap  waa markii Shanaad oo la qabto waxa uu socon doonaa mudo 3 maalin ah iyada oo ay ka qeyb gela yaan 19 koox kuwaas oo ka socda 7 dal oo ku yaal qaarada Africa.

Soomaaliya ayaa waxa u matalaya Axmed Halgan oo raja wanaagsan ka qaba in uu difaaci karo magaca iyo sumcada dalkeena hooyo ee Somaaliya

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Naasir Yuusuf Socdaal kana Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories