HomeCaalamka(WARBIXIN):Wasiirada Caafimaadka ee Uganda oo gacanta ku dhigtay Shaqaale ka codsaday Laaluush

(WARBIXIN):Wasiirada Caafimaadka ee Uganda oo gacanta ku dhigtay Shaqaale ka codsaday Laaluush

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi ayaa ka sal-gaartay Eedeymo sheegaya inay Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Doweladda ee Naguru General Hospital oo ku yaalla magaalladda Kampala, kuwaasi oo badankooda  laaluush weydiista dadka Bukaanka ee yimaada Isbitaalkaasi. Sarah Opendi waxay maalintii Sabtida tegtay Isbitaalkaasi, iyadoo iska dhigtay qof Bukaan ah oo indho sharer xiran. Waxay Isbitaalka […]

- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi ayaa ka sal-gaartay Eedeymo sheegaya inay Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Doweladda ee Naguru General Hospital oo ku yaalla magaalladda Kampala, kuwaasi oo badankooda  laaluush weydiista dadka Bukaanka ee yimaada Isbitaalkaasi.

Sarah Opendi waxay maalintii Sabtida tegtay Isbitaalkaasi, iyadoo iska dhigtay qof Bukaan ah oo indho sharer xiran.

- Advertisement -

Waxay Isbitaalka ku tegtay iyadoo la socota Mootada labada taayar leh ee dalka Uganada looga yaqaano “Boda Boda”  waxay kormeer qarsoodi ah ku tegtay Isbitaalka Naguru General Hospital ee magaalladda Kampala.

Waxay la kulantay shaqaale weydiistay lacago laaluush ah, si ay ugu fududeeyaan Baaritaanadda Shaybaarka.

4 ka mid ah shaqaalaha Waaxda Shaybaarka ee Isbitaalkaasi ayaa weydiistaylacag dhan lacag dhan 150,000 ee Shillinka daolkaasi  oo ay tilmaameen inay tahay Kharajka Adeegga Hawl-fududeynta ee Shaybaarka..

- Advertisement -

Waxay si degdeg ah ugu yeertay Boliska, kuna amartay inay xiraan 4-tii shaqaale ee weydiistay lacagta , kuwaasi oo loo kaxeeyey Saldhigga Boliska.

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi oo la hadashay Saxaafadda ayey sheegtay inay soo ogaatay inay wax ka jiraan Cabashadda dadka Bukaanadda ee ku aadan in lacago laaluush laga qaato si loogu fuliyeo Adeegga Caafimaadka ee Isbitaalkaasi oo ka mid ah Isbitaallada lacag la’aanta ku daaweeya Bukaanada.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Isbitaalka Naguru General Hospital ee magaalladda Kampala.Dr Stephen Kyebambe ayaa soo dhaweeyey Tallabadaasi, una mahad celiyey Wasiiru-dowlaha Caafimaadka.

Waxa uu tilmaamay in Laaluushku weji madow u yeelay Isbitaalladda Dowladda, iyadoo Bukaanadda dhibaato kala kulmaan shaqaalaha naxariista daran ee laaluushka ka qaada dadka xanuunsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories