HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Bulshada Hir-Shabeelle

Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Bulshada Hir-Shabeelle

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare. Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyey hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka. Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyey hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si loo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaalka, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories