HomeMaqalDhageyso:-Waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista...

Dhageyso:-Waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka+Sawirro

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Korjoogteynta Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dastuurka. Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay […]

- Advertisement -

Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Korjoogteynta Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada.

“Ujeedada kulankeenna maanta waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib u eegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Korjoogteynta Arrimaha Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran.

- Advertisement -

Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wadashaqeeyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories