HomeCaalamkaQM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia

QM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka waxay Shirkoodii 13-aad ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, iyagoo ka wada hadlay Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Koongada Dimuqraadiga. Kulankaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo Shirweyne Xilliyeedka 72-aad ee Golaha Guud […]

- Advertisement -

Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka waxay Shirkoodii 13-aad ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, iyagoo ka wada hadlay Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Koongada Dimuqraadiga.

Kulankaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo Shirweyne Xilliyeedka 72-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka furmi doona Xarunta Dhexe eeQM.

- Advertisement -

War-murtiyeedka Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka (JIF) ayaa lagu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen Horumarka Siyaasadda ee Somalia, isla markaana ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Hawlaha Siyaasadda ee haatan ka socda Somalia.

Guddiga IJF waxay bogaadiyeen Hawlgalka AMISOM, iyagoo dib u xaqiijiyey in Hawlgalladda Milliteri waajib tahay inay yihiin kuwo la saan-qaadi kara  Sharciyadda Xuquuqda Aadanaha iyo Samafalka Caalamiga.

Wxaay kaloo Guddiyadda JIF isku raaceen inay QM iyo Midowga Afrika sii wadaan Tallaabooyinka  lagu xaqiijinayo Hawlaha Ammaanka iyo Maalgelinta AMISOM iyo dhismaha Awoodda Ciiddanka Dowladda Fwederalka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, War-murtiyeedka Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka (JIF) waxaa lagu xusay inay isku raaceen Shuruudda asaaska u noqonaysa inay Ciiddanka AMISOM ka baxaan gudaha dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaan ku degdegin in Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia, balse Dowladda Maraykanka ayaa horey u sheegtay inaan lagu degdegin Daad-gureyntaasi ilaa laga dhisayo Awoodda Ciiddanka DFS ay kula wareegi karaan Ammaanka Guud ee Somalia

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories