HomeWararSawirro:-Dowlada Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka

Sawirro:-Dowlada Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yaasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

- Advertisement -

DHAMAAD

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories