HomeWararSawirro:-Axmed Madoobe oo booqday Xeradii ay Al-Shabaab weerareen ee degmada Balad Xaawo

Sawirro:-Axmed Madoobe oo booqday Xeradii ay Al-Shabaab weerareen ee degmada Balad Xaawo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo uu uga bilawday Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled xaawo isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Dowlada iyo xubno labada gole […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo uu uga bilawday Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled xaawo isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Dowlada iyo xubno labada gole kasocda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu qudbad u jeediyay Askarta Dowlada.

- Advertisement -

Madaxweynahu wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo kahor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka ayuu sheegay Madaxweynahu in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu circa inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynahu.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen oo ay dabka ku daadanayaan waxa kaliyah oo ay sugayaana ay tahay in la is raaciyo oo lasoo afjaro.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu Madaxweynahu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

 

 

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts