HomeCaalamkaMichael Keating oo walaac ka muujiyey Mashaakilka Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya

Michael Keating oo walaac ka muujiyey Mashaakilka Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu 16-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM warbixin ka siinayey Arrimaha Somalia.

Waxa uu aad uga hadlay Xiisadda Siyaasadda ee haatan taagan oo uu ku tilmaamay Mashaakil Siyaasadeed isku cabursan.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu xiriir aad u liito ka dhexeeyo DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, iyadoo DFS doonayso inay ka hortagto wax kasta oo caqabad ku noqon kara Horumarka iyo Deganaanshaha.

Warbixinta uu Michael Keating u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM waxa kale oo uu diiradda ku saaray Xiriirka wada-shaqeyn ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre, oo uu xusay in laga macaashay dhinacyadda Dhaqaalaha iyo Amniga dalka.

Dhinaca kale, Ergayga QM ee Somalia waxa uu carrabka ku dhuftay inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee magaalladda Muqdisho,.balse waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab weli khatar ku yihiin xaalladda Ammaanka ee Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo Maalgelinta Hawlgalka AMISOM ai ay door wanaagsan uga ciyaaraan sgida Ammaanka ee dadka Soomaaliyeed.

Ergayga QM ee Somalia waxa uu si gaar ah ugu baaqay Beesha Calaamka in la sii wado Taageeradda la siinayo Ciiddamada Somalia, si loo xoojiyo Awoodooda.

Ugu dambeyntii, waxa uu Michael Keating ka hadlay Abaaraha ugu xun ee ka dhacay qeybo ka mid ah Somalia, taasi oo uu sheegay inay waxyeelleysay Nolosha Dadka iyo Duunyadaba

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories