HomeCaalamkaJilaaga Idris Akuna Elba iyo Sabrina Dhoore oo la sheegay inay is-guursadeen

Jilaaga Idris Akuna Elba iyo Sabrina Dhoore oo la sheegay inay is-guursadeen

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Habeenkii Axadda ee la soo dhaafay ayaa si weyn loo yaqiinsaday Jacaylka Lammaanahaasi, kadib, markii ay si wadajir ah uga soo muuqdeen Xaflad ka dhacday magaalladda Toronto ee dalka Kanada oo uu ku soo bandhigay Filimkiisa cusub ee “The Mountain Between Us”. Waa markii Labaad ee Jilaaga iyo gabadha saaxiibtiisa ee Sabrina Dhoore ee lagu […]

- Advertisement -

Habeenkii Axadda ee la soo dhaafay ayaa si weyn loo yaqiinsaday Jacaylka Lammaanahaasi, kadib, markii ay si wadajir ah uga soo muuqdeen Xaflad ka dhacday magaalladda Toronto ee dalka Kanada oo uu ku soo bandhigay Filimkiisa cusub ee “The Mountain Between Us”.

Waa markii Labaad ee Jilaaga iyo gabadha saaxiibtiisa ee Sabrina Dhoore ee lagu sawiro iyagoo taagan Roogga Cas ee loo dhigay Festival-ka Filimadda Caalamiga ee .” the Toronto International Film Festival”.

- Advertisement -

Sabrin Dhoore oo 29-jir ah ayaa la arkayey iyadoo gacmaha is-haystaan Idris Elbe oo 16-sanno ka weyn.

Lammaanaha  ayaa lagu soo waramay inuu xiriir wada sheekeysi H9aasaawe )ka dhexeeyey muddo 7 bilood ah, ka hor inta aanan bishii hore lagu arkin iyagoo wadajira magaalladda Manchester ee dalka Britain.

Jilaaga Idris Elba waa markii ugu horreysay ee la arko xiriirka uu la leeyahay Sabrina Dhoore, tan iyo markii ay kala tageen saaxiibtiisii hore, Fannaanadda Naiyana Garith oo hooyo u ah Wiilkiisa 3-jirka ah ee Winston.

- Advertisement -

Wararka waxay sheegayaan inay Lammaanahaasi ku-ddhawaad 6 bnilood isla joogeen, laakiin ugu dambeyntii waxaa soo shaac baxay bilowga Furitaanka Mashruuca cusub ee Idris.

Sabrina Dhoore waxaa sannadkii 2014-kii loo magacaabay “Miss Vancouver “, kadib, markii ay ku guuleysatay Tartan-sannadeedka ee Quruxda.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Jacaylka ee Idris Elba ayaa ah kii 3-aad ee si rasmi ah u soo shaac baxa.

Jilaaga 45-jir ah oo haatan Aabe u ah 2-carruur, waxa uu guurkiisa koowaad guursaday Hanne Norgaard sannadkii 2003-dii.

Kii Labaad waxa uu dhacay sannadkii 2006-dii,, isagoo guursaday Qareenad lagu magacaabo lawyer Sonya Hamlin sannadkii 2006=dii, balse waxay kala boodeen 6 isbuuc kadib

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories