HomeWararDhageyso:-Koonfur Galbeed oo ka hadashay afduub ka dhacay G/Baay

Dhageyso:-Koonfur Galbeed oo ka hadashay afduub ka dhacay G/Baay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Shalay gelinkii dambe ayaa  duleedka Magaalada Baydhaboee Xarunta Gobolka Baay waxaa laga afduubtay Shaqaalo u Shaqeynayay Hay’ad Gargaar, xili ay marayeen meel 14km u jirta Magaalada Baydhabo sida uu xaqiijiyay afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed. Shaqaalahaan ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 3 Ruux oo kala ah laba Gabdhood iyo Darawalkii Gaariga u waday, waxana la sheegay […]

- Advertisement -

Shalay gelinkii dambe ayaa  duleedka Magaalada Baydhaboee Xarunta Gobolka Baay waxaa laga afduubtay Shaqaalo u Shaqeynayay Hay’ad Gargaar, xili ay marayeen meel 14km u jirta Magaalada Baydhabo sida uu xaqiijiyay afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Shaqaalahaan ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 3 Ruux oo kala ah laba Gabdhood iyo Darawalkii Gaariga u waday, waxana la sheegay in ay ahayeen Shaqaalaha Hay’ad lagu Magacaabo Kareedo.

- Advertisement -

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa afduubkas ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla mrkaana Shaqaalahaas ay yihiin Soomaali.

Wxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo horjeedaan in la kaalmeeyo dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed maadama ay dhowr mar sidaan oo kale ay u afduubteen Shaqaalo Gargaar sida uu hadalka u dhigay.

Sikstaba 15 Bishii July ayay aheyd markii duleedka Baydhabo sidan oo kale ay Al-Shabaab ka afduubteen Shaqaalo Gargar wallow markii dambe ay ku soo daayeen lacago madax furasho ah.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories