HomeMaqalDhageyso:-Dagmooyinka G/Banaadir oo ka bilaawday qabashada Araajida lagu codsanayo Shaqa abuurkii Xukuumaddu...

Dhageyso:-Dagmooyinka G/Banaadir oo ka bilaawday qabashada Araajida lagu codsanayo Shaqa abuurkii Xukuumaddu ay balan qaaday (Warbixin)

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

12 bishii dhamaatay ee Agoosto xili habeen ah ayuu Wasiirka 1,aad ee Xukuumada dalka Mudane Xasan Cali Kheyre hadal uu ka jeediyay  Munaasabad lagu weyneynayy  Maalinta dhalinyarada Aduunka waxa uu ku amray maamulka gobolka banaadir in ay shaqaaleysiiyaan kun dhalinyaro ah oo ka mi ah kuwa ku nool Magaalada muqdisho. Maamulka gobolka oo fulinaya amarkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

12 bishii dhamaatay ee Agoosto xili habeen ah ayuu Wasiirka 1,aad ee Xukuumada dalka Mudane Xasan Cali Kheyre hadal uu ka jeediyay  Munaasabad lagu weyneynayy  Maalinta dhalinyarada Aduunka waxa uu ku amray maamulka gobolka banaadir in ay shaqaaleysiiyaan kun dhalinyaro ah oo ka mi ah kuwa ku nool Magaalada muqdisho.

Maamulka gobolka oo fulinaya amarkii xukuumada dalka ayaa 5 bishan Septembar soo bandhigay Shuruudsaha laga rabo Shaqa-doonka oo ka imaanaya dagmooyinka iyada oo dagma walba uu maamulku siiye 58 dhalinyaro ah in ay uga mid noqdaa kunka dhalinyaro ee la Shaqaaleysiin doono.

- Advertisement -

9 ka bishan ayaana 17 degmo ee Gobolka Banaadir ay  si toos ah kaga bilaawdeen buuxinta foomam loogu tala galay dhalinta Shaqa-doonka ah, kuwaas oo isdiiwaangelinaya.

Si aan u helno macluumaad dheeri ah ayaa radio dalsan waxa uu wax ka weeydiiyay r ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha dagmada kaxda Maxamed ismaaciil waxa uuna yiri.

“Dalsan waad mahadsan tihiin barnaamijkaas sida aad u maqasheen ayay degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan iyo degmada kaxda uga bilaawdeen insha Allaahu Araaji qabashadii ayaana socota waliba si siman ayay u socotaa waxa ayna ku egtahay ilaa 10 Bishaan ayuu yiri gudoomiyaha.”

- Advertisement -

Sidoo kale Godoomiyaha dagmada Boondheere Seynab Yuusuf oo ka mid eheyd gudoomiyaashii aan la hadalnay  aya noo sheegtay in ay socoto qabashada araajida waxa ayna gabdhaha ugu baaqday in ay aad uga faa’iideystaan fursadaan

“Waxaan raba inaan uga faa’iidesto fursadaan dhalinayarada Gabdhaha iyo raga waxaa la yiri min 25 iyo 25 in ay uga faa’iideestaan marka waxaan leeyahay Gabdhaha waa in ay ka faa’iidestaan fursadan uu siiyay Maamulka gobolka Banaadir ayay tiri Seynab Yuusuf Gudoomiyaha degmada Boondheere”

Cabdifitaax Xaaji Nuur gudoomiyaha dagmada Kaaraan ee gobolka banaadir ayaa radio dalsan u sheegay in ay maalin walba qabtaan howsha ah qabashada araajida dhalinyarada dagmada uu masuulka ka yahay.

“Waad mahadsan tahay C/Naasir iyo Radio Dalsan runtii Degmada Kaaraan wuu ka socdaa mashruuca Shaqa abuurka uu maamulka Gobolka Banaadir siiyay dhalinyarada waxa uuna bilaawday 9,kii bishaan waxa uuna ku egyahay 19 bishan, qofka codsanaya waxa uu keensanayaa Shahaado Dugsi Sare ama Jaamacad majirto wax lcag ah oo la weeydiinayo ayuu isan hadalkiisa ku soo kaabay gudoomiyaha”

Maamulka gobolka banaadir oo uu gudoomiyaha ka yahay Thaabit Cabdi Maxamed  ayaa wado dadaalo lagu fulinayo amarka ra’iisul wasaaraha dalka ee ahaa in la shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro

Waxana ay ka mid noqon doonaan dhalin yaradaas shaqaalaha maamulka gobolka heer gobol iyo heer dagmo intaba

Hoos ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Naasir Socdaal isaga ayaana soo jeedin doona

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires...

No posts to display