HomeCaalamkaDuqeyn lagu dilay Wiil uu Adeer u ahaa mid ka mid ah...

Duqeyn lagu dilay Wiil uu Adeer u ahaa mid ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Saraakiisha Difaaca ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in Faarax Maxamed Shirdoon oo ahaa Somali-Canadian ka barbar dagaalami jirey Kooxda Daacish lagu dilay duqeyn bishii July ee sannadkii 2015-kii ka dhacday magaalladda Mosul ee dalka Iraq.

Sarkaal u hadlay Xafiiska Arrimaha Dadweynaha ee Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Wargseyska Postmedia ee ka soo baxa magaalladda Toronto ee dalka Canada.

- Advertisement -

Faarax Maxamed Shirdoon oo adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Farax Shirdoon “Saacid” waxa uu ku dhashay magaalladda Toronto ee dalka Kanada, ka hor intaysan  Qoyskiisa u soo wareegin magaalladda Kalagari oo uu wax ku bartay.

Faarax Maxamed Shirdoon oo 24-jir ahaa, laguna naanaysi jirey Abu Usaamah Asoomaali waxa dalka Syria tegay Sanadkii 2014-kii, waxa uu noqday ahaa Afhayeenka Rasmiga ee Dagaalamayaasha Kooxda Daacish. Isagoo soo bandhigay Muuqaalo xayeysiin u ah Kooxda Daacish iyo kuwo uu ku cabsi gelin jirey dalalka Reer Galbeedka.

Muuqaal Video oo uu soo saaray sannadkii 2014-kii waxa uu fariin goodin ah u diray Dadka Maraykanka iyo kuwa Kanada, isagoo sheegay inay Kooxda Daacish burburin doonto dalalkaasi.

- Advertisement -

Abu Usamah as-Somali waxa kale oo uu sheegay inuu Alle dartiisa uga soo tegay Noloshii uu ku haystay dalka Kanada, wuxuuna meel Fagaare ah ku gubay Baasaboorkiisa Kanada “Canadian passport”.

Dhinaac kale, Ma aha markii ugu horreysay ee la shaaciyo in la dilay Faarax Maxamed Shirdoon “Abu Usaamah As-Somali, iyadoo bishii Augsut ee sanandkii 2014-kii soo baxeen warar lagu sheegay in lagu dilay gudaha dalka Syria, inkastoo uu bil kadib dib uga soo muuqday Baraha Bulshadda, isagoo sheegay inuu ku sugan yahay magaalladda Raqa ee dalka Syria oo ay ku ku xooggan yihiin Kooxda Daacish

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories