HomeWararDhageyso:-Haweeney Ciidanka dowladda ku toogteen degmada Xudur oo khilaaf xoogan ka dhashay

Dhageyso:-Haweeney Ciidanka dowladda ku toogteen degmada Xudur oo khilaaf xoogan ka dhashay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ku eedeeyay taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolkaas uu bixiyay amar lagu dilay haweeneey dhawaan lagu soo qabtay hwlgal laga sameeyay deegaanka Muura Gaabeey ee Gobolkaasi Bakool. Waxa uu sheegay in Gabadhaas markii ay ciidanka Gacanta ku dhigeen baaritaano dheer kadib la ogaaday in ay aheyd basaasad u […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ku eedeeyay taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolkaas uu bixiyay amar lagu dilay haweeneey dhawaan lagu soo qabtay hwlgal laga sameeyay deegaanka Muura Gaabeey ee Gobolkaasi Bakool.

Waxa uu sheegay in Gabadhaas markii ay ciidanka Gacanta ku dhigeen baaritaano dheer kadib la ogaaday in ay aheyd basaasad u shaqeyneysay Al-Shabaab,isla markaana ay aheyd in Maxkamad la soo taago laakin Malintii xigtay Gabadhaas la toogtay.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in markii baadi goob lagu sameeyay Ciidamadii toogtay Gabadhaas ay sheegeen in uu amarka lagu dilay lahaa Cabdiraxmaan Maxmed Cismaan Timacade taliyaha Guutada 8,aad ee degmada Xudur.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ehelada Gabadhaas ay haatan wadaan dacwad ah in ay ogaadaan sababtii loo dilay Gabadhooda,dhacdadaana loo gudbiyay taliyaha qeybta oo jooga Baydhabo iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo jooga Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga  Gudoomiyaha Gobolka Bakool

- Advertisement -

 

Dhanka kale Dalsan ayaa waxa ay la xiriirtay Col,Cabdiraxmaan Maxmed Cismaan Timacade oo ah Sarkaalka eedeynta loo jeedinyay, waxa uuna sheegay in dilka Gabadhaas uu jiro isla markaana laga soo qabtay tuulada Moora Gaabeey,ayna aheyd haweeney basaas ah oo Al-Shabaab Caanaha ka daba qaadi jirtay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Gabadha sababta ay ciidamadu u dileen  ay aheyd in ay iskudayday in ay baxsato kadibna la toogtay, wararka ka soo baxaya Gudoomiyaha Gobolka Bakool uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Col,Cabdiraxmaan Maxmed Cismaan Timacade.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories