HomeWararDhageyso:-Soomaaliland oo faah faahisay Xariga Sheekh Aadan Sunni kuna eedeeysay falal amnidaro

Dhageyso:-Soomaaliland oo faah faahisay Xariga Sheekh Aadan Sunni kuna eedeeysay falal amnidaro

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliland ayaa faah faahin guud ka bixiyay holwgal ay xalay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa kaas oo lagu soo qabtay dad uu ka mid yahay Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland iyo Saraakiil kale oo shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliland ayaa faah faahin guud ka bixiyay holwgal ay xalay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa kaas oo lagu soo qabtay dad uu ka mid yahay Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland iyo Saraakiil kale oo shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Sheekh Aadan uu lidi ku yahay amniga iyo Qaranimda Soomaaliland kadib markii uu horay u garab istaagay dhalinyaro doonayay in ay qalqal geliyaan amniga Soomaaliland kuwaas oo la soo qabtay iyaga oo tababar ku jira.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenki in uu Sheekhu abaabulay koox dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo dagaal iyo iska caabin kala horyimid ciidanka Booliiska Soomaaliland ee waday howlgalka lagu soo xiray Sheekh Aadan Cabdi Warsame.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Soomaaliland ay ku dhex noolaato cidkasta oo lidi ku ah amniga Shacabkana laga doonayo in ay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Hoos Ka Dhageso Shirka Jaraa’id

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories